La-taliyaha warbaahinta ee Safaaradda Eritrea ee Qaahira, Xabiib Maxamed Cusmaan, ayaa sheegay in Eritrea aysan meesha ka saareyn suurtagalnimada dagaal ay la gasho Itoobiya, isla markaana ay diyaar u tahay inay iska difaacdo wixii weerar ah ee kaga yimaadda maamulka Abiy Axmed.
Cusmaan oo la hadlay wargeyska Ash-shaqrqul Awsad ayaa sheegay in Asmara ay diiddan tahay eedeymaha Addis Ababa ee ah in Eritrea ay khalkhal ka waddo gudaha Itoobiya. Wuxuu ku dooday in Eritrea aysan ku dhawaaqin inay doonayso inay weerarto ama qabsato dhul Itoobiya ka tirsan, balse uu khilaafku ka dhashay damaca Itoobiya ee dekedda Cawsab.
Mas'uulkan Eretariyaanka ah, waxa kale oo uu si weyn uga hadlay dagaallada culus ee ka holcay gudaha Itoobiya. Waxaanu tilmaamay in colaadahaasi yihiin kuwo muddo dheer soo jiitamayay, oo salka ku haya rabitaanka qowmiyado kala duwan oo raadinaya xaqqa aayo-ka-tashigooda.
Wuxuu sheegay in Itoobiya ay hadda galayso marxalad uu ku tilmaamay "kala-daadasho”, isaga oo ku doodday in taariikh ahaan awoodda Itoobiya ay si weyn ugu tiirsanayd Amxaarada iyo Tigreega, halka qowmiyado kale ay hadda doonayaan inay helaan xuquuqdooda.
La-taliyaha warbaahinta ee Safaaradda Eritrea ee Qaahira wuxuu si cad u sheegay in haddii xaaladda gudaha Itoobiya sii xumaato ay khatar ku noqon karto Eritrea iyo guud ahaan gobolka, sidaas darteedna Asmara ay taageeri karto xoogagga ay u aragto inay ilaalinayaan danaheeda.
Hadalka mas’uulkan Eretariyaanka ah ayaa imanaya xilli dagaallada ka socda waqooyiga Itoobiya ay sii xoogaysteen, isla markaana maalmihii lasoo dhaafay Eretariya ay ciidamo badan ku daad-guraysay xuduudka ay la wadaagto dowladda Xabashida Itoobiya.
